1062 Views

Soomaaliya oo ka qeyb-galeysa Shir looga hadlayo Arrimaha qaxootiga

Soomaaliya oo ka qeyb-galeysa Shir looga hadlayo Arrimaha qaxootiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmaya magaakada Geneva ee dalka Switzerland waxaana ka qeybgalaya wafuud heer caalami ah.

 

Shirka ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka barakacay sidii xal loogu heli lahaaa nolol cusubna loogu sameyn lahaa.

 

 

 

Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in madashaasi ay qudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya.

 

Hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ay wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan heysata jiilalka ku dhasha qaxootiga iyo sidoo kale Cafimaad daro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment