762 Views

SAWIRO:- Kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe

SAWIRO:- Kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka Puntland waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay kulamo gooni gooni ah oo ay wada qadanayeen madaxda isugu jirta Muxaafid iyo mucaarad oo halkaasi ku wada sugan

Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh aya la kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland axmed Maxamed Islaam, iyaga oo kulankooda  diirada lagu saaray marxalada uu dalku marayo iyo sidii si wadajir ah looga saari lahaa loona gaarsiin lahaa jawi xasiloon.

Sidoo kale waxaa kulan ku yeeshay Garoowe Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed  Guuleed iyo musharax Madaxweyne  Daahir Maxamuud Geelle, iyaga oo iska xog-wareystay Xaaladda guud ee dalka iyo xilliga kala guurka.

Sidoo kale mas’uuliyinta ku kulmay Magaalada Garoowe ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi deni.

Dhamaan Madaxda isugu jirta Muxaafid iyo Mucaarad ee ku sugan magalada garoowe ayaa halkaasi waxaa ay u tageen ka qeyb-galka shirka Madasha Aragti Wadaaga Machadka Hiratage, waxaana kulamadooda ay inta badan uga hadleen Arrimaha doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________SAWIRO:- Kulamo gooni gooni ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post