903 Views

Galmudug iyo Hir-shabelle oo isku heesta bar Koontarol oo lagu qaado Canshuurta ee Degmada Matabaan

Galmudug iyo Hir-shabelle  oo isku heesta bar Koontarol oo lagu qaado Canshuurta ee Degmada Matabaan
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka  degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xaalad adag, waxayna maamulada Galmudug iyo Hir-shabelle isku heestaan maamulka bar koontarool.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka yimid dhinaca guriceel oo ka tirsan Galmudug ay soo gaareen halkaas, halka ay Ciidamo ka tirsan Hir-shabelle ay joogeen kuwaas oo canshuur ka qaadi jiray halkaas.

Labada maamul ayaa ku kala tartamaya kontaroolkaas oo ah mid muhiim ah oo canshuurta laga qado, taasi oo Muhiim u ah Galmudug iyo Hir-shabelle.

Sidoo kale Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa dhawaan maamul u soo magacaabay Dowlad Goboleedka Hir-shabelle, iyadoo degmadaas Galmudug Canshuurta uga qaadaan dhamaan gaadiidka isticmaala ee u kala goosha Matabaan ilaa Gaalkacyo, waxaana kasoo galla dhaqaale badan.

Office Nairobi kennya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post