1272 Views

Robert Mugabe oo la’aasay

Robert Mugabe oo la’aasay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ugu dambeyn lagu aasay tuulo miyiga ku taalla, oo ah halkii uu ku dhashay, saddex isbuuc ka dib markii uu geeriyooday isagoo 95 jir ah.

 

Waxaa qabrigiisa laga sameeyay deegaan lagu magacaabo Kutama oo qiyaastii 90km dhinaca galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Harare.

 

Mugabe wuxuu 6-dii bishan September ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Singapore ka dib ku dhawaad labo sano markii laga afgambiyay xukunkii uu hayay 37-da sano.

 

Qoyskiisa ayaa go’aansaday inay aas gaar ah u sameystaan ka dib muran ay isbuucyo kula jireen dowladda.

 

Markii naxashka uu meydka Mugabe ku jiray qabriga la galinayay waxaa ku hareereysnaa xaaskiisa, carruurtiisa iyo xubno kale oo ka mid ah qaraabadiisa dhow.

 

Laakiin tiro yar oo ka mid ah saraakiishii hore ee xukuumaddiisa ayaa ka qeyb galay aaska, mana jirin mas’uuliyiin sar sare oo halkaas tagay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment