987 Views

“Kala duwanaashaha fikirka Siyaasadeed waa halkiisii” Wasiir Oomar.

“Kala duwanaashaha fikirka Siyaasadeed waa halkiisii” Wasiir Oomar.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Magaalada Garoowe Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa kulan gaar ah ku yeeshay muddo dheer kadib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Labadaan Shaqsi ayaa isku qabtay doorashadii Magaalada Kismaayo ee Axmed Madoobe qabsaday laguna doortay, halka Wasiir Oomaar uu kamid ahaa shaqsiyaadka u ol-oleynayay in aan waxba laga soo qaadin Natiijada Doorashadii uu qabsaday Madaxweyne Madoobe.

Xiligaas waxa uu maamulka Axmed Madoobe sheegay in cadaadis siyaasadeed la saaray Maamulkiisa, mana baajin in uu qabsado xafladda Caleemo saarka oo ay ka qaybgaleen labadii Madaxweyne hore ee Soomaalya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee dhawaan la eryay.

Sawirrada kulanka laga soo qaaday oo ku faafay baraha Bulshada waxaa ka dhalatay hadal heyn iyo falcelin kala duwan, maadaama labada shaqsi ee Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiir Oomaar xiriirkooda xumaa sabab ka dhalatay khilaafka siyaasadeed.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duullista XFS ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay falcelinta ka timid sawirka iyo kulanka uu la qaatay Axmed Madoobe.

“Caawa iyo Martisoor Garoowe. Kala duwanaashaha fikirka siyaasadeed waa halkiisii” sidaasi waxaa yiri Wasiir Oomaar oo qoraalkaan kooban soo dhigay Bartiisa Facebook, waa mid uu ugu jawaabayay hadal heynta kulanka ka dhalatay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post