807 Views

Faahfaahin taliye Ciidan oo lagu dilay Gaalkacyo

Faahfaahin taliye Ciidan oo lagu dilay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

 

Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamed Faarax oo si weyn looga yaqaanay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

 

Maxamed Faarax ayaa ahaa taliye ku xigeenkii Ciidanka ilaalinta wadooyinka Gobolka Mudug ee Puntland  sida ay xaqiijiyeen masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland

 

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.

 

Todobaadkii hore ayaa Gaalkacyo lagu dilay Xuseen Cabdille oo horey u soo noqday masuul katirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo iyo kuxigeenka Duqa magaalada, ahaana Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment