1152 Views

Ururka Al-Shabaab oo Qaraxii xalay ku sheegay in uu ahaa Bartilmaameed saraakiil meesha ku sugnaa..

Ururka Al-Shabaab  oo Qaraxii xalay ku sheegay in uu ahaa Bartilmaameed saraakiil meesha ku sugnaa..
____________________________________________________________________________

6-  Marso, 2021

Ururka Al-Shabaab ayaa  war ka soo saaray Qaraxii xalay ay ku dhinteen ku dhawaad 25 qof oo u badnaa dad shacab ah oo marayay wadada hor marta Dekada way nee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen in goorta ay qaraxaas la beegsanayeen maqaayadda ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo xalay goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

sidoo kale shabaab ayaa mar kasta sheegata Weerarada iyo Dilalka ay u gaystaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post