1215 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan, uguna baaqay Jaamacadda Carabta in ay oofiso ballanqaadkeeda taageero ee doorashooyinka Soomaaliya

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday Suudaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay Soomaaliya si dhammaysriran u garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post