7098 Views

Miinooyin laga soosaray inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

Miinooyin laga soosaray inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Somaliya ay soo saareen miinooyin lagu aasay Deegaanka Garasbaaleey.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wadaageen xogta ku saabsan miinooyinkan oo la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka ku dhaqan deegaanka iyo dadka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada Miina baarista ee Dowladda ayaa la sheegay iney durbaba gaareen goobta waxeyna xireen wadooyinka dhamaan ee soo gala halka lagu aasay miinooyinka.

Saraakiil katirsan NISA ayaa inoo sheegay in Tirada miinooyinka ee la soo saaray ay gaarayaan 8 oo dhamaantood ahaa kuwo cusub oo dhawaan la galiyay goobta.

Howlgal daqiiqado kooban ka qaatay kadib waxaa Ciidamada miina baarista usuura gashay iney si nabadgalyo leh ay ku soo saaraan miinooyinkan oo xajmigooda aad ucuslaa.

Lama soo sheegin wax dad ah oo Ciidamada ay ku soo qabteen howlgal laga sameeyay Xaafadaha deegaanka Garasbaaleey kadib markii ay soo dhameeyeen saarista miinooyinka.

Ciidamada ayaa markii danbe furay isu socodka gaadiid iyo goobaha ganacsi oo ay xiteen intii ay ku guda jireen howlgalka miina saarista.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment