711 Views

Warbaahinta caalamka oo Hadal haysa Wareysigii la sugaayay ee Amiir Harry iyo Meghan.

Warbaahinta caalamka oo Hadal haysa Wareysigii la sugaayay ee Amiir Harry iyo Meghan.
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Wareysigii aadka loo wada sugayay ee Oprah Winfrey ayaa laga sii daayay warbaahinta Mareykanka iyo Britain, iyadoo Amiir Harry iyo Meghan ay dadka la wadaagayeen sheekada ku saabsan nolosha qoyska boqortooda UK.

Lamaanahan ayaa ka hadlay xiriirka ay la leeyihiin boqortooyada, cunsuriyada iyo caafimaad darada maskaxeed ee soo gaartay.

Meghan waxay lahadashay Oprah inta badan wareysiga, waxaana dib uga soo biiray Amiir Harry.

1. ‘Wadahadal ku saabsan sida midabka uu ilmuhu noqon karo’

Mid ka mid ah eedeymihii ugu weynaa ee ka soo yeeray wareysiga waa in ay jiraan “sheekooyiin dhowr ah” oo ka dhex socda qoyska Boqortooyada oo ku saabsan midabka uu Meghan iyo Harry canuggooda yeelan karo.

“Markii aan uurka lahaa waxaa jiray walaac iyo sheekooyin ku saabsan midabka u noqon karo maqaarkiisa marka uu dhasho,” ayay tiri Meghan.

Waxay sheegtay in sheekada ay ka maqashay Harry. Labaduba waxay diideen inay sheegaan qofkii yiri hadalkaas.

“Waligay ma sheegayo hadalkaas,” ayuu yiri Harry. “Xilligaas wuxuu ahaa mid aan fiicnayn, xoogaa waan naxay.”

2. Kate ‘way ka oohisiisay Meghan’ – maahan sida kale

“Maalmo ka hor arooska, Kate waxay ka xumaatay dharka, arrintaas oo iga oohisay,” Meghan ayaa sidaas tiri. Waxay sheegtay in markii dambe Kate raaligelin ka bixisay oo ay keentay ubaxyo iyo qoraal ay ku saxayso.

Balse Meghan ayaa u sheegtay Oprah inay sida kale ay dhab tahay.

“Arrintaa uma sheegin in aan ku liido Kate,” Meghan ayaa sidaas tiri. Waxay sheegtay in Kate ay ahayd “qof wanaagsan” ayna rajaynayso inay jeclaan lahayd in sheekooyinka beenta ah la saxo.

3. Meghan waxay sheegtay inay ku dhowaatay in ay is disho laakiin loo diiday caawimaad

Meghan waxay kahadashay sida kalinimo ay u dareentay ka dib markay kubiirtay Qoyska Boqortooyada oo ayna lumisay xoriyadeeda.

“Markii aan ku biirayay qoyskaas, waxay ahayd markii iigu dambeysay aan arkay baasaboorkeyga, liisanka darawalnimada, furayaashayda,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in caafimaadka maskaxdeeda uu aad u xumaaday oo ay ku fakartay in aysan “dooneynin in ay sii noolaato mar dambe”.

“Waxaan aaday machadka waxaanna u sheegay in aan ubaahanahay inaan aado meel si aan caawimaad aan uga helo, waxaan ku iri waligey sidaan horay uma dareemin oo waxaan ubaahanahay in aan caawimaad helo.”

Waxay sheegtay in ay u tagtay “mid ka mid ah dadka ugu waawayn” xarunta dhexdeeda, ka dibna u tagtay waaxda shaqaalaha ee qasriga. Waxbana lagama qaban”, ayay raacisay.

4. Meghan waxay lahadashay mid ka mid ah saaxiibadii Diana

Magaca Princess Diana wuxuu soo baxay marar badan wareysiga oo dhan – oo ay iska shabahaan waxyaabihii ay la soo kulmeen intii ay ka tirsanaayeen qoyska Boqortooyada.

“Xitaa ma aanan ogeyn cidda aan u kaalmo waydiisanayo,” ayay tiri Meghan, xilligii ay dhibaatada haysatay. “Mid ka mid ah dadka aan la xiriiray ee ahaa saaxiib fiican oo kalsooni aan ka helay wuxuu ahaa mid ka mid ah saaxiibada ugu fiican ee ninkeyga hooyadiis.”

5. Harry wuxuu dareemayaa in Charles uu ‘niyad-jebiyay’

Oprah waxay weydiisay Harry xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa iyo gaar ahaan aabihiis, Amiirka Wales, iyo walaalkiis, Amiir William.

“Waxaan dareemayaa runtii in hoos la iiriday oo la i niyad jebiyay, sababtoo ah wuxuu soo maray arrin la mid ah tan, wuu ogyahay xanuunka uu dareemayo iyo Archie oo uu awow u yahay.

“Laakiin waqtiga isku mid ma ahan, dabcan marwalba waan jeclaan doonaa laakiin waxaa jiro dhaawacyo badan oo dhacay, waana sii wadi doonnaa in aan ka dhigo mid ka mid ah ahmiyadeyda oo aan isku dayo soo celinta xiriirkaas.”

6. Laakiin xiriirka lamaanaha iyo boqoradda waa mid wanaagsan

Harry wuxuu sheegay inuu “xiriir wanaagsan” la leeyahay ayeeyadiis isla markaana uu inbadan la hadlay sannadkii la soo dhaafay – oo ay ku jiraan wicitaanada fiidiyoowga ah ee Archie ay ku aragtay.

“Iyada waa taliyaheyga guud, sax? Weligeedna way ahaan doontaa.”

Meghan ayaa sidoo kale waxay amaantay Boqoradda, waxayna sheegtay in ay siisay xoogaa dahab ah oo qurux badan markii ugu horeysay ee ay si wada jir ah wax u wada qabsadeen lamaanaha.

7. Dhaqaalaha oo laga jaray

Afartii bilood ee ugu horreeyay ee 2020, Harry wuxuu sheegay in “dhaqaalaha laga jaray”.

Wuxuu sheegay in heshiisyada Netflix iyo Spotify ee isaga iyo Meghan ay galeen, si ay u sameeyaan bandhigyo aysan waligood ka mid noqon, “waxay ahayd inaan awood u yeelano qarashka amnigeenna,” ayuu yiri.

“Balse waxaan helnay wixii ay hooyaday igaga tagtay, la’aanteedna ma awoodi lahayn in aan sidan yeelno.”

8. Runta ka dambeysa sawirka

Meghan waxay tiri fiidkii markay Harry u sheegtay inay dareemayso inay isdisho, wuxuu habeenkaas qorshahooda ahaa in ay ka qeybgalaan munaasabad rasmi ah oo ka dheceysay Royal Albert Hall.

Meghan waxay kahadashay sawir maskaxdeeda ka bixi waayay oo wax hore ay ku soo xusuusaneysay.

9. Meghan ‘wax baaris ah kuma sameynin’ Qoyska Boqortooyada

Isagoo ka hadlayay markii ugu horreysay ee ay la kulanto Boqoradda, Meghan waxay sheegtay in ay la yaabtay markay ogaatay in ay marka boqoradda salaamayso ay hoos fiiriso.

Waxay sheegtay in ay u maleyneysay in ay tahay “qeyb ka mid ah shuruucda” oo aysan ka dhicin qoyska dhexdiisa.

Meghan ayaa intaas ku dartay in aysan wax baaris ah ku sameyn qoyska ka hor inta aysan ku biirin, waxayna ku adkeysatay in aysan ninkeeda arrimihiisa ka baareynin internet-ka si ay qoyska wax uga barato.

10. Nikaaxa ayaa dhacay seddex maalmood ka hor arooskooda

Malaayiin qof ayaa daawaday arooska Harry iyo Meghan oo lagu qabtay Windsor Castle, sannadkii 2018-kii.

Xafladaasi waxay ahayd markii ay si sharci ah isku guursadeen laakiin lamaanayaasha waxay sheegeen in sidoo kale nikaaxooda uu dhacay ka hor inta aysan hor imaan Archbishop-ka Canterbury, saddex maalmood ka hor.

11. Archie ayaa jacel inuu yiraahdo erayada “si nabad ah ku wad gaariga”

Harry wuxuu ka hadlay in wiilkiisa Archie uu farxadda ka helo inuu ku kexeeyo baaskiil. Wareysiga waxaa kujiray qeyb yar oo ka mid ah socod baradka iyo isaga oo xeebta kula ciyaaraya waalidkiis.

Lamaanahan ayaa ku kaftamay in erayga uu jeclaa isbuucyadii la soo dhaafay uu ahaa “biyo badan cab”. Harry wuxuu yiri ‘markasta oo qof walba uu ka baxo guriga, Archie wuxu u sheegaa “nabad ah u wad”.

12. Iyo waa ……gabar

Lamaanaha waxay xaqiijiyay inay filanayaan in gabar ay u dhalato sannadkan gudihiisa.

Harry wuxuu yiri “waa wax lala yaabo”, isagoo intaa ku daray: “Maxaad kaloo weydiisan kartaa?” – laakiin wuxuu yiri wa ilmihii ugu dambeeyay.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post