342 Views

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Slovenia kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Slovenia kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Slovenia H.E Tanja Fajon.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan adkaynta iskaashiga dhinacyada badan leh ee ku qotonto xoojinta xiriirka labada dal.

“Waxaan kullan miro dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Slovenia H.E Tanja Fajon, waxaan si wada jir ah uga wada shaqayn doonaa adkaynta iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay mabaadi’diisu ku qotonto xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Wasiir Huruuse ayaa kulan doceed kula qaatay madax uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait, Sheekh Dr; Axmed Naasir Al-Maxamed Al-Sabaax, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post