432 Views

Dowladda Ukraine oo sheegtay iney dishay ciidamo tiro badan oo Ruush ah

Dowladda Ukraine oo sheegtay iney dishay ciidamo tiro badan oo Ruush ah
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Saraakiisha ciidamada Ukraine, ayaa sheegay in ku dhawaad 15,000 oo askari oo Ruush ah la dilay, tan iyo markii Madaxweyne Putin uu bliaabey duullaankiisa in ka badan saddex toddobaad kahor.

Warbixin cusub oo lasoo dhigay bogga facebook-ga ee shaqaalaha guud ee Ukraine, ayay saraakiishu ku sheegeen in 14,700 oo askari oo Ruush ah lagu diley intii lagu guda jirey dagaal socday 25 ka maalmood.

Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in tiro aad u badan oo qalabka military-ga Ruushka ah lagu burburiyey iska hor imaadka, oo ay ku jiraan ku dhawaad 476 Taangi, in ka badan 200 oo diyaarado dagaal ah, diyaaradaha qumaatiga u kaca, iyo kuwa aan duuliyaha wadin, iyo ku dhowaad 1,487 gawaarida gaashaaman.

BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadan, inkastoo ilo Reer Galbeed ah ay rumeysan yihiin in Ruushka uu soo gaarey khasaare weyn, saraakiisha difaaca Mareykankana waxey ku qiyaaseen in ugu yaraan 7,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay weerarka, iyadoo illaa iyo 21,000 ay dhaawacm

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post