738 Views

Itoobiya oo sameysaneysa baro bulsho oo u gaar ah kadib markii Dagaalka Baraha bulshada looga awood badshay

Itoobiya oo sameysaneysa baro bulsho oo u gaar ah kadib markii Dagaalka Baraha bulshada looga awood badshay
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Itoobiya ayaa sheegtay iney ku hawlan tahay sameysashada baro bulsho oo iyada u gaar ah, kadib kolkii ay ku eedeeyeen bogagga Facebook iyo Twitter iney yihiin kuwo kasoo horjeeda danta dalkaas.

Dhawaan unbay aheyd kolkii BBC-da warbixin ka diyaarisay, sida marin habaabinta dhanka xogta dalkaas ay caadi ugga noqotey, tan iyo intii ay bilaabtey colaadda ka dhex kooxda fallaagada TPLF iyo dowladda dhexe.

Itoobiya ayaa dhaleeceysay in bogag bulsheed la xannibay, lagana saarey waxyaabihii ku keydsanaa.

Kahor doorashooyinkii ka dhacey Itoobiya bishii June, Facebook ayaa sheetay iney ka saartey barihii shabakad been abuur aheyd.

Barahan ayaa lala xiriiriyey hey’add la shaqeysa dowladda, oo u xilsaaran dabagalka isgaarsiinta iyo internet-ka.

Aggaasimaha wakaaladda amniga ee warfaafinta ee dowladda, Shumete Gizaw, ayaa sheegay in Itoobiya horumarineysom aalado bedeli kara barnaamijyada farriimaha la isugu diro ee WhatsApp-ka, iyo madasha muuqaalka tooska ee Zoom-ka.

Waxey shirkadaha reer galbeedka ku tilmaantey dowladda Itoobiya kuwo aan u shaqeyneyn danka guud ee dalka Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post