1035 Views

Kooxda Daacish oo Taalibaan ku tilmaamtay “fuliyeyaasha qorshaha Mareykanka ee Afghanistan

Kooxda Daacish oo Taalibaan ku tilmaamtay “fuliyeyaasha qorshaha Mareykanka ee Afghanistan
____________________________________________________________________________

 Arbaco: August 25, 202

Kooxaha warbaahinta ee ay taageerto kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah ee IS ayaa tallaabo qaaday kadib markii Taliban ay qabsadeen Afghanistan. Kanaaladaan warbaahintu waxay inta badan bilaabeen olole dhanka internet-ka ah oo ka dhan ah Taalibaan.

Ololaha IS ee ka dhanka ah Taalibaan ayaa sare u kacay tan iyo 16 -kii bishii Ogosto, markaas oo Taalibaan ay qabsadeen caasimadda Kaabul.

Hase yeeshee waxa uu cirka isku ii shareeray laga soo bilaabo 19-kii bishaan Ogosto. Isla maalintaas ururka IS wuxuu soo saaray soo bayaankiisa rasmiga ah ee ku aaddan Taalibaan iyagoona ku tilmaamay in Taalibaan ay tahay ‘Mashiinka dharka u tolo Ameerika’.

IS waxay sheegtay in wixii ka dhacay Afgaanistaan ​​ay tahay guul u soo hoyatay Mareykanka, ee aysan ahayn guul ay Taaliban gaartay sababtoo ah Taalibaan waxay ku guuleysteen inay riixaan fikradda ah in waddada loo maro kooxaha xagjirka ah ay tahay wadahadal.

Warbaahinnada ay taageerto IS ayaa wixii ka dambeeyay 16-kii Ogosto daabacay 22 maqaal oo dacaayad ah, oo intooda badan loo diyaariyay qaab boorar ah. Boorarkan ayaa laga baahiyay barnaamijka farriimaha ee Telegram ee ku jira server-ka ay IS taageerto ee RocketChat.

Dacaayadda Hubka

Si kastaba ha ahaatee, ilaa haatan ololahan malahan wax astaan ah ama hashtag balse maalmaha soo socda waxaa laga yabaa in la sameeyo hashtag si sare loogu sii qaado ololaha ka dhanka ururka Taalibaan.

Boorarkan dacaayadda ka sokow, waxaa jira fiidiyow u muuqda mid ka duwan boorarkan waxaana baahiyay soo saare sare oo taageero IS oo la yirahdo Turjuman al-Asvirti.

Muuqaalkan waxaa lagu arkay nin Ingiriis ku hadlaya, oo isku dayaya inuu caddeeyo in Taalibaan ay la heshiiyeen Mareykanka. Si uu taas u caddeeyo, wuxuu adeegsadaa buugga “88 Days to Kandahar” oo uu qoray Robert L. Grenier, oo ahaa madaxii hore ee CIA -da ee Islamabad.

Waxaa la rumeysan yahay in maalmaha soo socda ay bilaaban karaan dacaayado badan oo ka imaanaysa dhinaca Taalibaan.

Si kastaba ha noqotee, taageerayaasha al-Qaacida iyo kooxda laanteeda Yemen ayaa ugu hambalyeeyay Taalibaan guushii taariikhiga ahayd. Waxaa kale oo jira kooxo jihaad-doon ah iyo kooxo Islaamiyiin ah oo iyaguna taageeray taalibaan.

Taageerayaasha baraha bulshada ee IS ee weeraraya Taaliban

Tuhmaneyaal caan ah oo ka socda kooxaha warbaahinta ee taageera IS ayaa ka qayb qaatay ololahan ugu dambeeyay.

Waxay isticmaalaan bogagga sida al-Battar iyo Talaaye al-Ansar, al-Murhafat, al-Taqwa, Hadam-al Aswar, al-Adiyat iyo al-Asvirti, kuwaas oo soo saaray boorarkii ugu badnaa ilaa maanta. Kooxaha waawayn sida al-Battar, Talai al-Ansaar ayaa ilaa hadda sii daayay tirooyinkii ugu badnaa ee dacaayadahaasi.

Boorarkii la baahiyay wixii ka horreeyay 19-kii Ogosto, ayaa diiradda lagu saaray xadgudubyo diimeed oo la sheegay inay Taalibaan geysatay.

Kooxaha warbaahintu waxay sidoo kale farta ku fiiqeen farriinta dib -u -heshiisiinta Taliban ee dadka laga tirada badan yahay sida Shiicada Hazara ee Afghanistan kuwaas oo uu urura IS ku tilmaamay inay bidco yihiin.

Tani waa habdhaqanka taageerayaashan IS ay mar kasta sameeyaan. Qaar ka mid ah boorarka ayaa sidoo kale watay sawirro muujinaya joogitaanka Taalibaan ee Doha ama xafladaha Shiicada.

Dhawr boor ayaa muujinayay tuhunka IS ee ah in Taalibaan aysan marnaba si buuxda shareecada uga hirgelin Afghanistan.

Guud ahaan, taageerayaasha IS ayaa ku adkeysanaya in Taalibaan aysan hadda ahayn kooxdii uu hoggaaminayey Mullah Cumar 20 sano ka hor. Taasi way is beddeshay, oo hadda Taalibaan waxay si qarsoodi ah u fulinaysaa qorshe Maraykanka uu wato oo lagu wiiqayo jihaadka gobolka.

Muuqaal

Bishii Ogosto 22 -keedii, taageerayaasha IS ayaa muuqaal ku baahiyay Telegram iyo RocketChat. Waxaa cinwaan looga dhigay – “Afgaanistaan, oo u dhexeeysa laba qorshe. Muuqaalka wuxuu ka yimid Turjuman al-Aswirti, aad ayaana loo wada wadaagay. Taageerayaasha IS ayaa sidoo kale sii daayay hordhac loogu talagalay Taliban iyo muqaal kale oo cusub 19 -kii Ogosto si kooxda “loo kashifo”.

Muqaalka ayaa laga maqli karaa, Robert L Grenier oo waayo -aragnimadiisa ku aaddan in wada -xaajood lala galo Taliban la wadaagaya Mareykanak ka hor duulaankii Afghanistan ee 2001. Grenier wuxuu kaloo ka sheekeynayaa sheekooyin badan oo ka ku xusan buugiisa “88 Days to Kandahar” oo uu wadahadalkaan ka mid yahay.

Muuqaal ku jira fiidiyowga ayaa muujinaya Grenier oo sheegaya in Mareykanka uu raadinayo ciidan maxalli ah oo ku sugan Afgaanistaan ​​oo la dagaallami kara kooxaha hubeysan ee jihaad doonka ah wuxuuna rajeynayaa in Taaliban ay doorkaas ciyaari doonto.

Taalibaan oo dabinkii Maraykanka gashay

Muuqaal muujinaya mujaahid ku hadlaya lahjadda Mareykanaka oo sheegaya, “Mareykanku wuxuu ku guuleystay hirgelinta qorshihiisa isagoo adeegsanaya hoggaan cusub oo ka tirsan Taalibaan. Hoggaankan Taalibaan wuxuu ka hor yimid mabaadii’dii Mullah Cumar. Waxay doonayaan inuu joojiyaan aasaaska khilaafada waxayna Mareykanka u sahli doonaan inay la dagaallanto kooxda IS ee Afrika, Ciraaq, Suuriya, iyo Bariga Aasiya. “

Fiidiyowgaan, isla jihaadigaasi wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeynayaa sidan, “Ameerika waxay ku mashquulsan tahay qorshaha IS. Hadda Mareykanku wuu daalan yahay wuxuuna isku dayeyaa inuu dagaalka soo afjarto balse ma haysto waddo kale. Annagu Mareykanka waan tagi doonnaa waana weerari doonnaa.”

BBC

office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post