3351 Views

Sawiro:- Carwada bandhigga buugaagta oo maanta ka furmay Muqdisho

Sawiro:- Carwada bandhigga buugaagta oo maanta ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September, 13, 2017 – Waxaa maanta Muqdisho ka furmay bandhigga carwada buugaagta oo sanadkasta lagu qabto Muqdisho. Xafladda furitaanka waxaa ka qayb galay madax ka tirsan xukuumadda iyo beesha caalamka madax ka socota.

bandhigga carwda buugaagta ayaa maraya sanadkii sedexaad ee la qabto kaas oo ay ka qayb galaan dad fara badan oo qorayaal ah kuwaas oo soo bandhigga buugaagta ay qoreen. Sidoo kale bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa kasoo qayb gala markasta oo carwadaan la dhigo, waxayna kanfaa’iidaystaan buugaagta la soo bandhigo oo ay iibsadaan.

Sanadkan oo ah sanadkii sedexaad ee la qabto carwada ayaa waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro iyo dad magac ku leh bulshada oo soo bandhigi doona buugaagta ay qoreen.

Carwadda bandhigga buugaagta ayaa lagu tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay wax badan oo aqoon ah ka faa’iidaystaan, iyadoo la ogyahay in gobalada dalka qaarkoid laga bilaabay bandhig nuucaan ah sida Hargeysa iyo Garowe.

b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment