1080 Views

War deg deg ah: afhayeenka Xukuumada oo goor dhawayd ku dhawaaqay Heshiiska la gaaray

War deg deg ah: afhayeenka Xukuumada oo goor dhawayd ku dhawaaqay Heshiiska la gaaray
____________________________________________________________________________


February  25, /2/ 2021

Waxaa goor dhawayd saxaafada la hadlay afhayeenka Xukuumada Soomaaliya maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay in is afgarad laga gaaray shirkii u socday Midowga Musharixiinta iyo Raisal Wasaaraha Somaliiya.

Waxa go’aan lagu gaaray in dib loo dhigo banaanbixii, waxay Xukuumada Cudurdaar ka bixisay dhacdadii 19-bishan ka dhacday Muqdisho, waxaana la saaray Gudi soo baara dhacdadaasi.

Dhinaca kale Dowlada Waxay ogolaatay in banaanbax la qabto mudo ku dhaw 10 maalin oo ay qabtaan Musharixiinta, si Ciidamada Dowlada u sugaan amaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa halkaas looga dhawaaqay Gudi ka kooban min 3 Xubnood oo sii wadaya Howsha iyo sii wadista arimaha harsan ee hor taagan doorashada, waxaana Gudigaas dhinaca mucaaradka Hogaaminayo C/raxmaan C/shakuur Warsame, Mustaf dhuxulow, iyo Daahir maxamuud Geele, waxaana dhinaca Dowlada Hogaaminayo Wasiirka amniga,. Gudoomiyaha Gobolka Cumar Finish iyo wasiir ku-xigeenkaWarfaafinta Alcadaala.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post