849 Views

Weriye caan ah oo lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam.

Weriye caan ah oo lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam.
____________________________________________________________________________

Arbaco: Luly 7 2021

Weriye caan ah oo dambiyada baara oo u dhashay dalka Holland ayaa si culus loo dhaawacay ka dib markii lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam.

Booliiska ayaa sheegay in weriye Peter R de Vries cisbitaalka loo qaaday asagoo ku jira xaalad adag ka dib markii fiidnimadii Talaadada lagu toogtay faras magaalaha Amsterdam.

Warbaahinta qaranka ee NOS ayaa sheegtay in la soo weeraray ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamij lagu sheekeysto oo ka baxa TV-ga.

Muuqaal ayaa muujiyay isaga oo jiifa sagxada oo madaxiisa uu dhaawac ka muuqdo.

NOS ayaa soo xigatay goob jooge sheegaya in shan xabadood lagu dhuftay weriyaha ayna xabadahaasi madaxa ka haleeleen.

Booliska ayaa codsanaya markhaatiyaasha iyo muuqaalka CCTV ee toogashada, balse waxay dadka ka codsadeen in waxyaabahaas aysan la wadaagin baraha bulshada.

Booliiska ayaa raadinaya nin cad oo caato ah, oo qaba jaakad cagaaran iyo koofiyad madow.

Waxaana dadka laga codsaday in ninkaas aysan u dhawaan ninkaas hadday arkaan oo ay wacaan adeegga wicitaanka deg degga ah.

Wargeyska The Algemeen Dagblad ayaa sheegay in qof la tuhunsan yahay lagu xiray Koonfurta Amsterdam balse arrintaas ma aanay xaqiijin booliisku.ss

Kusimaha Ra’iisal wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa la filayaa in uu war qoraal ah ka soo saaro arrintan ka dib marka uu la kulmo saraakiisha la dagaallanka argagixisada iyo booliiska magaalada Hague.

“Duruufo kasta oo jira, kani waa war aan la qiyaasi karin oo cabsi leh,” Wasiirka Maaliyadda Wopke Hoekstra ayaa sidaas ka sheegay baarlamaanka.

Mr de Vries, oo 64 jir ah, ayaa caan ku ah baaritaanka dambiyada ka dhaca dalka Holland.

Ka weriye ahaan wuxuu tabiyey, kiisas waaweyn oo caan ah, oo uu ka mid yahay afduubkii Freddy Heineken ee 1983-dii.

Waagii hore Mr de Vries waxaa soo foodsaaray hanjabaado la xiriira ku luglahaanshihiisa kiisaska dambiayada la xiriira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post