1032 Views

Haweeney dil arxan darro ah u geysatay Seygeedii hore

Haweeney dil arxan darro ah u geysatay Seygeedii hore
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October13—2019 —Wararka laga helayo  Magaalada Wajaale oo hoostagta Gobolka Gibileey ee deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Haweeney ay si arxan darro ah u dishay Nin horay u qabi jiray.

 

Falkan oo dhacay xalay fiidkii ayaa yimid,kadib markii haweeneyda ay Bartamaha Suuqa Wajaale ay toorey dhowr jeer la dhacday Ninkeedii hore oo ay kala tageen,sidoo kale ay dhaawacday haweeney la socotay.

 

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ninla toorey lagu dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Ow Jaamac ay la socotay haweeney uu dhawaan kasoo guursaday  Magaalada  Bahardaar ee Ismaamulka Amxaarada Itoobiya,isla markaana lala dhaawacay.

 

Dilkan ayaa la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira maseer ama hinaaso sida ay sheegeen dad ku sugan deegaanka Wajaale,isla markaana Ninka la dilay uu dhawaan haweeneyda la dhaacaway uu soo guursaday.

 

Haweeneyda falka dilka iyo dhaawaca ah geysatay oo iskudayday inay baxsato ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ciidamada ku sugan Magaalada Wajaale oo garab ka helayo dad ku sugnaa Goobta uu falka ka dhacay,isla markaana la geeyey Saldhiga Booliska Magaaladaas.

 

Dhacadaan aad looga naxay ayaa Maanta waxaa aad u hadal haaya dadaka ku nool Magaalada Wajaale oo ka tirsan gobolka Gibileey ee deegaannada Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment