327 Views

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ku dhawaaqday xabbad joojin shuruud la’aan ah

Wasiirka warfaafinta  Somaliland oo ku dhawaaqday xabbad joojin shuruud la’aan ah
____________________________________________________________________________

Sabti: February 11, 2023 

Xukuumadda Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, oo ku wajahan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Waxaa go’aankaa xabad joojinta shaaciyey wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay.

wasiirka ayaa sheegay isagoo ku hadlaya afka xukuumadda in ay Somaliland ku baaqday xabbad joojin dhankeeda ah, isagoo sheegay in dhinaca kalana ay ka rajeynayaan sidaa si lamid ah, waxa uu ku baaqay in la’isugu yimaado miiska wada hadalka.

Waddamada beesha caalamka ayaa horraan dhinacyada ugu baaqay in ay xabada joojiyaan oo ay iskugu yimaadaan miiska wadahadalka, colaadana lagu dhameeyo wada xaajood.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post