318 Views

Puntland oo Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya ku eedeesay Xatooyo iyo Musuq maasuq

Puntland oo Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya ku eedeesay Xatooyo iyo Musuq maasuq
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 05, 2022

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku eedeesay dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha Diinta iyo Owqaafta xukuumadda Soomaaliya xatooyo iyo musuqmaasuq la xariira fiisooyinka xajka lagu aado.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa ku eedeeyay wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya in uu ka ganacsado arrimaha xajka kuna sameeyo musuqmaasuq.

Waxa uu sheegay Cawil Sheekh in Wasiirka Arrimaha diinta ee Xukuumadda federaalka Sheekh Cumar Cali Rooble uu si toos ah u dhacay qoondadii Xajka ee sannadkan loogu tala galay maamulka Puntland .

Cawil Sheekh Xaamid ayaa eedeyey Wasiir Cumar Cali Rooble in uu ka macaasho arrimaha Xajka oo dadka la saarsado lacag gaareysa $150 ilaa $200 oo dollar ah,waxa uuna xusay in shirkad kastana wasiirka ka qaato lacag dhan 15 kun oo dollar.

about:blank Waxa uu sidoo kale sheegay in shirkadaha la siiyey in ay maamulaan arrimaha Xajka in qaar kamid ah isagu leeyahay Wasiirka Xukuumadda Federaalka ee Arrimaha diinta Sheekh Cumar Cali Rooble, halka kuwa kalana lacago ka qaato.

Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo aadaya xilli horey Somaliland sidoo kale ugu eedeesay dowladda federaalka in ay qaateen qoondadii xajka sannadkan loogu tala galay, waxaama sannadkan Soomaaliya viisooyinka Xajka laga siiyay dad ka badan 5-kun oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post