930 Views

Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho
____________________________________________________________________________

Qaar kamid ah wadayaasha Bajaajta ee ka Shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Maanta ku dibadbaxeen Aaga Isgoyska Shabeelle oo ku dhow Daljirka Daahsoon, iyaga oo xirtay wadadaas, una diiday inay gaadiidka noocyadooda kala duwan ay maraan.


Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya inay waayeen wadooyin ay maraan oo ay kua Shaqeystaan, kadib markii wadooyinka qaar ay Biyo xireen kuwana ay xirteen Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Canshuur ay mar waba ka qaado dowladda, balse aysan heysan waddooyin ay kua Shaqeeystaan, taasina ay tahay dhibato heysta.


Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayaa ka dalbadeen in uu soo farageliyo arrintaam, isla markaana ay biyaha xireen uu u furo.


Banaanbaxa ay Maanta ka dhigeen agagaarka Taalada Daljirka Daahoosn wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka qaar ee magalada Muqdisho ay Biyo xireen, isla markaana Carriiri farabadan uu kajiro wadooyinka Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post