828 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhexda u galay khilaaf siyaasadeed oo Doorasho iyo mid maamul

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhexda u galay khilaaf siyaasadeed oo Doorasho iyo mid maamul
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 06, 2021 —Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhexda u galay khilaaf siyaasadeed oo Doorasho  iyo mid maamul oo uu isagu gacantiisa ku sameystay, kadib markii uu qaatay go’aano iska horjeeda oo uu ku doonayo inuu wada qanciyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka, taasoo ay u dheer tahay khilaafka gudaha maamulkiisa iyo Beelaha kasoo horjeeda.

Cali Guudlaawe oo ka mid ahaa madaxda taageersan Farmaajo ee markii danbe ka hor yimid muddo kororsigii uu sameystay ayaa ku guul darreystay inuu xubno dhexdhexaad ah kusoo daro Guddiga Doorashada Hirshabeelle, iyadoo xubnihii laga saaray mar kale ku bedelay shaqsiyaad uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya oo keenay inuu khilaaf  soo dhex galo xubnaha Guddiga.

Guudlaawe wuxuu diiday dhammaan codsiyadii Midowga Musharixiinta ee kasoo jeeda Hirshabeelle, isagoo u xaglinaya Farmaajom, halka Musharixiinta Mucaaradka uu mid kasta u sheegay inuu isagu u joogo, kuna kalsoonaado, waxaana mar dhow la xaliyey khilaafka arrintan dhalisay ooo dhex maray Cali Guudlaawe iyo mida ka mida Madaxweynayaashii hore oo ah musharax madaxweyne.

Go’aan qaadasho la’aanta Cali Guudlaawe ka sokow waxaa weli taagan xaaladii ka dhalatay Doorashadiisa iyo gadoodka Beesha Gobolka Hiiraan u badan oo keenay inuu tegi waayo magaalada Beledweyne oo uu doonayey inuu isku caleemo saaro.

Dhammaan madaxda Hirshabeelle waxaa xarun hadda u noqotay magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin muddo dheer, iyadoo aan ku laaban degaanada ay maamulaan oo xaalado adag heystaan, kuna jira  nolol adag iyo mid maamul la’aan.

Ma cadda sida doorashada uga dhici doonto magaalada Beledweyne, iyadoo uu taagan tahay khilaafka Cali Guudlaawe iyo Beesha Gobolka Hiiraan u badan, mana jiro wax dadaal ah oo uu u galay sidii arrintan wax looga qaban lahaa mudaddii 10-ka bilood ahaa ee uu ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo ay soo baxdo inuu olole ugu jiro inaysan doorasho ka dhicin Beledweyne, shuruudna uga dhigay inuu isago tago marka hore, sida uu shaaciyey ku xigeenkiisa Yuusuf  Dabageed.

Iyadoo sharciyadiisa dood ka taagan tahay oo Gobol ka mida labadii Gobol ee uu madaxweynaha u ahaa aanu tegi karin ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle dagaal cusub ku furay mid ka mida wasiirada ugu awoodda badan Wasiiradiisa oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maxamed Cali Caadle.

Guudlaawe  oo la sheegay inuu muddo dheer dadaal ugu jiray inuu meesha ka saaro Wasiir Caadle, balse ku guuldarreystay ayaa hadda la ogaaday inuu ka faa’iideysanayo wareysi uu bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo uu si waaqici ah uga hadlay tabashada ay qabto Beesha Gobolka Hiiraan ugu badan ee ah Saami  qeybsiga beelaha Hirshabeelle.

Wasiir Caadle wuxuu wareysiga kusoo bandhigay qaabkii loo dhisay Hirshabeelle iyo khaladaadkii dhacay intii uu socday dhismaheeda, isagoo si cad u sheegay xalka arrintaasi iyo inay ku wada dulman yihiin awood qeybsiga labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, arrintan oo aan la ogeyn sababta uu uga carooday Cali Guudlaawe .

Waxaa baraha bulshada lagu arkay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha yaryar ee Gobolka Hiiraan ee  la baxay Isbaheysiga oo weerar ku haya Wasiir Caadle, waxaana abaabulka beelahaasi lagu eedeeyay  inuu wado xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe, taasoo caddeynteeda la helay markii xildhibaanno ku dhow Cali Guudlaawe ay si cad ugu  taageereen baraha bulshada xil ka qaadista Wasiir Caadle.

Ujeedka arrintan ayaa lagu sheegay in Cali Guudlaawe uu doonayo inuu khilaaf ka dhex  abuuro Wasiir Caadle iyo beelahaasi si ay ugu suuragasho marmarsiiyo uu xilka uga qaado, taasoo muddo uu ku dhiiran waayey.

Tan iyo intii uu Hirshabeelle madaxweynaha ka noqday Cali C/llaahi Guudlaawe wuxuu maamulkaasi galay xaalad hubanti la’aan ah iyo mugdi siyaasadeed oo hareeyay mustaqbalka iyo wadajirka Hirshabeeelle, wuxuuna Cali Guudlaawe ku fashilmay inuu maamulkaasi hore u wado ama isku dayo xal u helida caqabadaha hortaagan.

Markii uu Guudlaawe xalin waayey  tabashooyinka beelaha wax ka dhisay maamulka  Hirshabeelle, wuxuu hadda doortay dariiq cusub oo ah inuu qalallaase ka dhex abuuro maamulkii uu hogaaminayey dhexdiisa , taasoo caddeyn u ah inuusan sii hoggaamin karin Hirshabeelle oo xaaladah adag dhinac waliba ka heystaan.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post