909 Views

Gudaha iyo Duleedka Guriceel oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka socda saacadihii la soo dhaafay

Gudaha iyo Duleedka Guriceel oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka socda saacadihii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

 


Talaado: October 19, 2021

  Sida ay  warbaainta u sheegeen dadka deegaanka waxaa laga qabsi qabaa in magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud ay ku dagaalamaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ka dib markii xalay ay ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug ay fariisimo ka samaysteen duleedka Guriceel oo ay ku suganyihiin ciidanka Ahlusunna ee dhawaan qabsaday.

Ciidamo uu hogaaminayo Gudoomiyaha degmadda Guriceel Aanas Cabdi Macalin oo horay ugu sugnaa deegaanka Odaale ayaa Xalay  maqribkii saldhig ka samaystay deegaanka lagu magacaabo Heraale oo ku yaalla duleedka magaaladda Guriceel sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhanka kale ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo horay ugu sugnaa degaanka lagu magacaabo Gowd Wiil oo dhanka waqooyi Bari Guriceel ugu beegan 15 km ayaa u ruuqaansaday dhanka magaaladda kuwaas oo haatan 7 KM deegaan u jira Guriceel saldhig ka samaystay, waxaana goobta ay dageen ku dhaw difaac ay leeyihiin ciidanka Ahlusunna ee horay u qabsaday magaaladda.

Ciidanka Ahlusunna ee degmadda Guriceel gacanta ku haya ayaa Xalay  gudaha magaaladda kawada howl gallo ay ku baarayaan Gaadiidka Shacabka ay isticmalaan ee Magaaladda soo galaya iyo kuwa ka baxaya, lamana faahfaahin sababta keentay baaritaanadan Xalay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post