723 Views

laftagareen oo markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo Ra’isul wasaare Rooble iyo farmaajo.

laftagareen  oo  markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo Ra’isul wasaare Rooble iyo farmaajo.
____________________________________________________________________________

Jimco: September 17, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada bnaydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen uu markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo Ra’isulwasaare Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Laftagareen ayaa sheegay in ay wadaan wada Hadal u dhaxeeya labada Mas’uul waxa uuna balan qaaday in wax  kasta ay ku soo dhamaanayaan wada hadal.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay in khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dalka ugu sarreeyo uu dib u dhac u keeni karo dalka iyo doorashadii la filayey inay Soomaaliya ka dhacdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post