2964 Views

Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Iyo Madax Kale Oo Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho

Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Iyo Madax Kale Oo Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 10, 2018 —Waxaa isasoo taraya khasaaraha dhimahso iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii shalay lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Qaraxyadas oo Saddex ahaa ayaa sababbay dhimashada in ka badan 30 Ruux halka dhaawacuna uu ka badan yahay,waxaa sidoo kale jirtay burbur hantiyadeed oo ay geysteen qaraxyadaas.

Dadka ku waxyeeloobay ayaa waxaa ka mid ah Cabdi Fitaax  Cabdirashiid Shire Ilqeyte oo qaraxaas ku dhintay,waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan Cabdi Fitaax Bashiir Cali Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi iyo dad kale.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho,iyaga oo sheegay in ay ku dileen Saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment