648 Views

Yaasiin Fareey “ Argagixisadu inay yiraahdaan Ikraan ma dilin waa qayb kamid ah dagaalkii ay nagula jireen”

Yaasiin Fareey  “ Argagixisadu inay yiraahdaan Ikraan ma dilin waa qayb kamid ah dagaalkii ay nagula jireen”
____________________________________________________________________________

Arbaco: june 8, 2022

Kusimihii hore ee hay’adaha nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka ee NISA , Xildhibaan Yaasiin Fareey oo wareeysi dhinacyo badan taabanayay siiyay mid kamid ah Telefeshinadda Dalka ayaa ka hadlay arimmo badan oo ay kamid yihiin qaabkii uu u dhacay dilkii Ikraan Tahliil iyo Ciidamadii loo qaaday wadanka Eretareya.

Yasiin fareey ayaa ugu horeeyntii sheegay in la siyaasadeeyay Kiiskii ikraan tahliil oo laga dhigay si uusan aheeyn, sida uu hadalka u dhigay, isagoona sheegay in ikraan tahliil faarax ay dileen Dagaalamayasha Al-Shabaab, kuwaa oo kolhore iska fogeeyay dilkii ikraan Tahliil.

Xildhibaan Yaasiin Fareey kusimihii hore NISA ayaa yiri ” Argagixisadu inay yiraahdaan Ikraan ma dilin waa qayb kamid ah dagaalkii ay nagula jireen”

Yaasiin Fareey oo ah xildhibaab ka tirsan Gollaha Shacabka sidoo lalana soo noqday Taliyaha Nisa ee Gobolka banaadir iyo Kusimihii hore ee NISA ayaa sidoo kale sheegay in ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda iyo hogaanka cusub ee NISA ay ku wareejiyeen Xogta kiiska ikraan tahliil faarax, iyo qaabkii uu u dhacay

Yaasin Fareey oo wax laga weydiiyay Ciidamadii loo qaaday wadanka Eretareya ayaa sheegay in ay muhiimadu tahay Ciidankii oo nabad qaba in ay dalka kusoo laabtaan, waxaaa uu iska fogeeyay in kolkii la qorayay Ciidamada loo sheegay in Loo qaadayo wadanka qadar, taas oo ugu danbeyn la geeyey Eretareya.

Fareey oo sidoo kale wax laga weeyiiyay Sida ay NISA shantii sanno ee lasoo dhaafay ugu dhaxmilantay Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday arinkaasi isagoona kaliya sheegay in Nissa ay tayay Hay’add u xilsaaran Nabadgelyada Qaranka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post