330 Views

Milateriga Israa’iiloo iska fogeysay dilkii wariye Shireen Abu Aqla

Milateriga Israa’iiloo iska fogeysay dilkii wariye Shireen Abu Aqla
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Milateriga Israa’iil ayaa soo gabagabeeyay in ay jirto in mid ka mid ah askartooda uu dilay Saxafiyad American Falastiini ah oo lagu magacaabo Shireen Abu Aqla.

Weriyaha ruug-cadaaga ah ee Aljazeera ayaa madaxa laga toogtay iyadoo ka warbixinaysay duullaanno ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto bishii May.

Taliyaha hoggaanka sharciga ee ciidanka ayaa sidoo kale meesha ka saaray baaristii ay ku sameeyeen askartii ku lugta laheyd falkaasi, waxaana uu soo gabagabeeyay baaristii kiiskaasi.

Qoyska Abu Caqla ayaa sheegay in aysan la yaabin in ciidamada IDF ay isku dayayaan in ay runta qariyaan oo ay ka fogaadaan mas’uuliyadda dilka.

Abu Aqla ayaa 11-kii bishan gaartay xerada qaxootiga ee Jenin si ay uga warbixiso weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen oo ay isaga hor yimaadeen askar iyo maleeshiyaad falastiiniyiin ah.

Waxa ay xirnayd koofiyad iyo jaakad buluug ah oo ay ku suntan tahay saxafinimo.

Sifeynta qaabka loo dilay Abu Caqla ayaa keentay dhaleeceyn xooggan.

Goobjoogayaal iyo mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah ayaa ku warramay in ay toogteen askarta Israa’iil, taasoo markii dambe ay taageertay Qaramada Midoobay iyo baaritaan ay saxaafaddu ku sameysay caddeymahaas.

Baaritaanka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ay u badan tahay in askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen suxufiyadda.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen dhowr baaritaan oo gudaha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post