771 Views

Madaxda Golaha Muslimiinta Switzerland oo Xukun lagu riday

Madaxda Golaha Muslimiinta Switzerland oo Xukun lagu riday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 29|  2020—Maxkamada Federaalka ee Magaalada Bellinzona ee Koofurta  wadanka Switzerland ayaa xukun isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Madaxda Golaha Muslimiinta Switzerland.

Maxkamada ayaa Niclolas Blancho oo ah Madaxweynaha Golaha Muslimiinta Switzerland ku xukuntay 18 Bilood oo Xabsi ah iyo 550  oo doolarka Mareykanka ah.

Afhayeenkiisa Qaasim Illi ayaa isna lagu riday 15 Bilood xabsi ah iyo 550 doolar .

Labada nin ayaa lagu eedeeyay isla markaana lagu helay in ay xiriir la sameeyeen, sidoo kalena ay dacaayad u sameynayeen Kooxda Al-Qaacida ee ka dagaalanta meelo badan oo kamid ah Caalamka.

Blancho iyo Ellie ayaa lagu eedeeyay inay baahiyeen muuqaalo borobogaando ah oo lagu taageerayo Ururka Al-Qaacida wallow iyaga ay wararkaasi been abuur ku tilmaameen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post