1068 Views

Qarax ka dhacay duleedka Boosaaso & khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay duleedka Boosaaso & khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 17 2021=Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntlamd waxaa lagula eegtay degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in kolonyo gaadiidka Ciidamada Puntland ah oo ku wajahnaa degaanka Af-urur qaraxa lagula eegtay, isla markaana hal Askari uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Puntland ee qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan wax khasaaro ah ka dhalan.

Qaraxaan Ciidamada Puntland lagula eegtay degaan hoostaga Magaalada Boosaso ayaa kusoo aadaya xilli saaka waaberigii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post