495 Views

Go’aano laga soo saaray Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Baydhabo

Go’aano laga soo saaray Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Shir looga hadlayey Arrimaha Amaanka, degaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu Qabtey  Maanta Xarunta Wasaardda Garsoorka iyo Cadaaladda Koonfur Galbeed ee ee Magaalada Baydhabo.

Sgirka ayaa  waxaa ka qeyb galey Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Booliska, Xoogga Dalka, Asluubta, Nabad sugida, Gudoomiyaha Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad, Xeer ilaaliyaha Guud ee KGS, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Koonfur Galbeed, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga KG, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS,

Shirka oo saacado qaatey ayaa waxaa laga soo saarey go’aamo iyo baaq loo jeediyey Bulshada koonfur Galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin.

1: In Qofkii lagu Arko, isaga oo iibinaya waxyaabaha maanka Dooriya , kufsiga, Dilka ,Muuqalada Anshax xumada ah ,Qamaarka la ciyaaro, wixii la mid ah in tilaabo Shirciga Waafaqsan laga qaadi doono.

Sido kale Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaaliyeed Gaashanle Sare Ibrahim Cusmaan Maxamed Tifow ayaa Awaamiir ka soo saarey Askarta istafka ka ah Madaxda in ay goobahooda shaqada ku laabtaan.

Ugu danbeyn Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Sheekh Xasan Lugbuur ayaa sheegey in Sharciga lala tiigsan doono Qofkasta oo falalka foosha xun ku kac,a isaga oo bulshada ugu baaqay inay u hogaansamaan awaamiirta Dowladda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post