1356 Views

Shir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni

Shir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22da Maarso, 2021Madaxweynaha  muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Labada Madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan shirkaasi goobjoog ka aheyn, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay diideen ka qeyb-galka shirka sababo la xiriira in ajandaha shirka aan la isku raacsaneyn iyo qaabka agaasinka shirka aanu aheyn sidii balantu aheyd.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post