474 Views

Hay’adda Amnest International oo cambaareysay xariga Xoghayaha Ururka SJS Cabdalle Axmed Muumin

Hay’adda Amnest International oo cambaareysay xariga Xoghayaha Ururka SJS Cabdalle Axmed Muumin
____________________________________________________________________________



Sabti: OCTOBER 15, 2022


Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnest International ayaa cambaareysay xariga Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Axmed Muumin.

War-saxafadeed ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay, in Cabdalle Muumin loo xiray isagoo difaacaya xaqa xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyo in uu kor u qaaday walaaca uu ka qabo go’aannada dowladdu ku mamnuucday faafinta wararka la xiriira Al-shabaab.

Hay’adda Amnest waxay sheegtay in Cabdalle Axmed Muumin uusan jirin wax danbi ah oo uu galay, waxayna ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Muumin ayaa tobankii bishaan lagu xiray magaalada Muqdisho kadib uu ka hadlay saameynta awaamiir dowladda kasoo baxay oo mamnuucaya faafinta wararka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post