594 Views

Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu xir-xiray Zambia oo la sii daayey

Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu xir-xiray Zambia oo la sii daayey
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan ayaa sheegay in lasii daayay inta badan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ciidamada ammaanka Dalkaas ay ku xireen Magaalada Ndola.

Maxamuud waxa uu howlgalka lagu raafay Dadkaan u badan Ganacsatada ku sheegay in uu ahaa mid si kedis ah u bilawday maadaama aanay jirin digniin loosoo gudbiyay Jaaliyadda Soomaalida Zambia sida uu hadalka u dhigay.

 “Magaalada Ndola waxaa xaafadda ay u badan tahay Soomaalida ka dhacay howlgal lagu xiray muwaadiniin u badan Ganacsato, wax sabab ah nooma sheegin markii aan la xiriirnay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Zambia maadaama dadkaan sharci ay ku joogaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia.

Maxamuud Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in si dhexgalka Zambia & Soomaaliya uu soo socday 60-sano, waxaana uuna intaas ku daray in ay leeyihiin Goobo Ganacsi oo Dowladda ay ka hesho Canshuur.

Hay’adaha ammaanka waxa ay la hareen Dad ku dhaw 50-ruux oo sharciga uu ka dhacay balse dedaalkeena waa sidii loogu cusbooneysiin lahaa si loo soo daayo, Dowladda Zambia inkastoo maamulka uu cusub yahay laakiin waan kala hadalnay arrintaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga XFS ayaa sheegtay in si dhaw ay ula socoto warbixinnnada sheegaya Xarig-wadareedka lagula dhaqaaqay Dad Soomaali ah oo ku nool Magalaada Ndolo ee Zambia.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Zambia ay ka sugayaan Caddeymo muujinaya sababta keentay in la raafo Soomaalida si loo xaliyo arrinta keentay tallaabadaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post