816 Views

Taliyaha Ciidanka Booliiska ku-xigeenkisa iyo afhayeenka ciidanka oo hoygiisa ku booqday Xassan Sheekh

Taliyaha Ciidanka Booliiska  ku-xigeenkisa  iyo afhayeenka ciidanka oo hoygiisa ku booqday  Xassan Sheekh
____________________________________________________________________________

May 8, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan taliye ku-xigeenka iyo afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay qorshaha sugidda amniga musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Waxaa sidoo kale kulankasi looga hadlay fulinta qorshayaashii Amniga ee dhawaan ay gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta ee Muqdisho looga saaray ciidankii Badbaado Qaran.

Sidoo kale Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa ayaa ka cudurdaartay dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo in aysan ka jawaabin eedeymo uga yimid Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post