291 Views

Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo ku baaqay debed-baxyo ka dhaca Pakistan maalinta Jimcaha

Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan  Imran Khan oo ku baaqay debed-baxyo ka dhaca Pakistan maalinta Jimcaha
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

 Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay isu-soo baxyo ka dhacaya dalka Pakistan, isaga oo sheegay in isu-soo baxyadu ay bilaabanayaan maalinta Jimcaha, si loo muujiyo awoodda shacabku ay ku doonayaan inay sanduuqa wax lagu bedelo, wuxuuna ka digay inay dhici doonto fawdo haddii ay masuuliyiinta dalkaasi isku dayaan inay hor-istaagaan mudaharaadada.

Imran Khan oo ka qaybgalay dood dhinaca internetka ah oo ay soo abaabushay Jamaacadda Oxford ee dalka Britain, ayaa sheegay in mudaharaadkan oo wakhti dheer la qorshaynayey, inuu ka bilaabmi doono dhinaca bari ee magaalada Lahore, isaga oo ku faafi doono qaybo badan oo dalka Pakistan ah, iyada oo shacabku ay doonayaan inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay qabato doorashooyin wakhtigoodii laga soo hormariyey.

“Socodkani wuxuu muujinayaa halka ay taagan yihiin dadka reer Pakistan, waxaan dareensanahay inuu noqon doono mid ka mida dhaqdhaqaaqyadii ugu weynaa ee taariikhda dalka Pakistan” ayuu yidhi Imran Khan.

Xisbiga uu hoggaamiyo Imran Khan ayaa maamula dhawr gobol oo dalkaas ku yaalla, oo ay uu ku jiro gobolka Punjab ee ugu dadka badan dalka Pakistan, kaas oo caasimaddiisu ay tahay Lahore.

Imran Khan ayaa ku eedeeyey ra’iisal wasaaraha haatan xukuma dalka Pakistan ee Shehbaz Sharif inuu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah mucaaradka ka soo horjeeda iyo weliba isaga oo xakamaynaya xorriyadda warbaahinta. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay Pakistan u horseedday in shacabku ay dareemaan culays iyo nacayb.

Imran Khan ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, ka dib markii baarlamaanka dalkaasi ay kalsoonida kala laabteen xukuumaddiisa. Imran Khan ayaa isaga oo aan soo bandhigin wax caddaymo ah, wuxuu dawladda Maraykanka ku eedeeyey inay ka dambaysay xil ka qaadistiisa, isagoo sheegay inay la shaqaysanayaan ra’iisal wasaaraha bedelay iyo ciidamada milateriga ee awoodda badan ee dalkaas, hase ahaatee Washington ayaa beenisay eedahaas.

Inta badan ciidamada milateriga ee awoodda badan ayaa ah cidda kala saarta siyaasiyiinta dalkaas, waxaana guulaysta hadba dhinaca ay raacaan. Dalkan oo ah kan shanaad ee ugu dadka badan caalamka ayaa ku hubaysan hubka nukliyeerka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post