702 Views

SAYLAC: “Xilka Jaaliyada waa la isku baryi jiray, waxaa la dhihi jiray hebel ha lagugu duceeyee xilka qabo”[WARAYSI]

SAYLAC: “Xilka Jaaliyada waa la isku baryi jiray, waxaa la dhihi jiray hebel ha lagugu duceeyee xilka qabo”[WARAYSI]
____________________________________________________________________________

Saylac Cumar, wuxuu ka tirsanaa Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands, isaga oo ahaa xubin firfircoon oo jaaliyada ka soo qabtay xilal kala duwan.

Saylac, wuxuu safka hore kaga jiray aasaasayaashii guddiga jaaliyadda ee ka dhisan Magaalada Zwolle & Magaalooyinka ku dhowdhow,  waraysi dhowaan uu bixiyay wuxuu kaga hadlay arrimo ku saabsan aasaaskii Jaaliyada, dadkii madaxda ka soo noqday, marxaladiii ay soo martay &  khilaaf muddo soo jiitamayay oo haatan jaaliyada 2 daraf u kala qaybiyay, wuxuuna  aragtidiisa ku cabirayaa Saylac sababihii khilaafku ka dhashay, wuxuuna soo jeediyay sida ay isaga ula muuqato in khilaafka xal loogu heli karo.

Saylac, wuxuu tilmaamay in jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda ay ka mid tahay jaaliyadaha ugu faca wayn dalka Nederlands, isaga oo xusay in dadkii aasaasay intooda badan ay Zwolle iyo agagaarkeeda dagan yihiin.

“Jaaliyadda, waxa aasaasay dad ay ka mid ahaayeen Axmed Hayaan, C/qaadir, Cabbaas, Cabdinuur & rag kale, ujeeddada loo aasaasay waxay ahayd in Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda dagan is barato, kuna kala war-qaadato” Ayuu yiri Saylac, isaga oo intaasi ku daray in jaaliyada ay madax ka soo noqdeen Cabbaas, & C/nuur, markii dambe na loo dhiibay C/qaadir Nuune.

“Xilka Jaaliyada waa la isku baryi jiray, waxaa la dhihi jiray hebel ha laguu duceeyee xilka qabo, waayo qof kastaba howliiisa gaarka ah ayuu mashquul ku ahaa, markii loo dhiibay C/qaadir Nuune, maalintaas wixii ka dambeeyey jaaliyadii wuxuu ka dhigay maqaaxi uu isagu leeyahay iyo haykal uu si shaqsi ah ugu danaysto” Ayuu yiri Saylac.

Saylac, wuxuu is waydiiyay waxa jaaliyadu qabato & kaalinteeda, isaga oo isla su’aasha isaga jawaabayana waxa uu yiri:

“Jaaliyada waxay u xilsaarneyd tirakoobka dadka Soomaalida ah ee zoonkaas daggan, in dadka ay metesho ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Gemeentiga & in maalmaha ciidaha & xorriyadaha ay goob ku wada ciidaan”

Saylac, waxaa kale oo uu sheegay in Guddoomiyihii hore C/qaadir Nuune oo laga sugayay in isaga & guddigiisa ay waqti geliyaan in ay ka shaqeeyaan danta iyo maslaxada jaaliyada inuu ka door-biday in haykalkii jaaliyadda uu ku shaqeysto, ilaa Gemeentigii oo dacwo ka ah ay la soo xiriiraan aasaasayaashii jaaliyada, oo ay yiraahdaan: war ninkaas ma iska qabaneysaan mise waa joojinaa xiriirka aan la leenahay jaaliyada.

“Hiwaayad ayeey u noqotay inuu kulamada & shirarka ka dhaca Magaalooyinka waawayn  ka istaago isaga oo leh: waxaan ahay guddoomiye hebel haddii intaas aanu waxqabad la socon maxay taraysaa.? Tan ugu darrani waxay tahay Guddigan cusub ee uu madaxda u yahay Axmed Hayaan waxaa ku jira labeentii & aqoonyahanadii Magaalada, waa dad wada xul ah, isaga [Nuune] waa keligii duul” Ayuu yiri Saylac, wuxuuna intaasi raaciyay in dhowr jeer uu talo u jeediyey.

“Walaalkeey C/qaadir Nuune,  waxaan ku iri: intaad  soo shaqeyn karto waad soo shaqeysay ee jaaliyada meel ka fadhiiso, isaga oo keligiis ahna waan ku iri, meel fagaare ah isaga oo dad ay la joogaana waa u sheegay,  qofka marka uu hogaamiyo rabitaankiisa shaqsiga ah meel ma gaari karo, waxaan ka sugaynay inuu ixtiraamo fikirka & aragtida dad kale, oo uu fursad siiyo saaxiibada kale” Ayuu yiri Saylac, isaga oo intaasi na sii raaciyey:

“13 sanno in ka badan ayuu jaaliyada madax ka ahaa,  xittaa wuxuu awoodi kari waayey in dadka Magaalada dagan in uu Gemeentiga  kaga soo dhameeyo meel caruurta wax loogu dhigo, ama jaaliyadu ku shiraan, dadkii xilka kala wareegay muddo ka yar 2 sanno ayeey xilka hayaan dugsi ayeey caruurta Soomaalida u sameeyeen, hooyooyinka & dhalinyarada na goob ay ku kala war-qaataan ayaa loo diyaariyey, jaaliyadu waxay xubin ka tahay ururo caalami ah, sababtuna wax kale ma aha waa rag & gabdho shaqada ay dadkooda u qabanayaan aan magac & manfac ku dooneyn”

Saylac, ugu dambeyntii wuxuu jaaliyada ugu baaqay midnimo & in ay gacmaha is qabsadaan.

“Waxaan ku talinaa in la is raaco, oo jaaliyadu ay miodowdo, gacmahana is qabsato, oo la is weydiiyo, maxaan wada qabsan karnaa.?” Ayuu yiir Saylac.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post