765 Views

Haweenka reer Afghanistan oo quus ka taagan Maleeshiyaadka Talibaan

Haweenka reer Afghanistan oo quus ka taagan  Maleeshiyaadka Talibaan
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

Haweeney reer Afghanistan ah oo wax baratey, wadatana dal kugal wadan kala ah, ayaa u sheegtay BBC-da iney dib ugga soo celiyeen garoonka diyaaradaha ee Kabul ciidamada Taliban, iyagoo u sheegay iney aheyd qof kaligeed socda.

Waxey sheegtay iney timid garoonka, waxaana u yimid labo illaa iyo saddex nin oo hubeysan, kuwaasoo weeydiiyey sababta aanu ula socon nin (Maxram) ah.

“Waxey aheyd wax laga naxo, oo qaraw oo kala ah, lana mida filimada oo kale,” ayey u sheegtay haweeneydani laanta Afghan ee BBC-da.

Haweeneydani oo diiday iney carab dhabto magaceeda, ayaa sheegtay inaaney jirin wax is badal ah oo ku dhacey dagaal yahanada Taliban.

Waxey ku nuux nuux satey iney yihiin kuwo manaxayaal ah Taliban sidii waagii hore oo kale, ayey tiri, iyadoo sheegtay iney ka baqeyso inaaney marnba u oggolaan doonin iney dalka Afghanistan ka dhoofto.

Waxey uggu danbeyn sheegtay inaaney jirin wax rajo ah haatan, oo ay ula mid tahay dhamaadkii dunida.

Sida aan kal hore soo tabinay, hey’adda Norwegian Centre for Global Analyses, ayaa u sheegtay Qaramada Midoobay in Taliban ay haatan qoranayaan shabakad cusub oo jaajuusiin ah, si ay ula hawl galaan maamulkoodda cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post