1155 Views

dowlad Deegaanka Soomaalida oo u digtay shaqsiyaad taageersan TPLF

dowlad Deegaanka Soomaalida oo u digtay shaqsiyaad taageersan TPLF
____________________________________________________________________________

Jimco: July 2, 2021

Xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida DDS ayaa sheegtay in aysan u dul-qaadan doonin shakhsiyaadka sida ay sheegtay u gacan-haadinaya ururka TPLF, oo hadda u muuqda in uu soo rogaal celiyay kadib markii uu toddobaadkan qabsaday magaalada Mekelle.

Kulan uu yeeshay golaha fulinta ee dowlad deegaanka, uuna shir guddoomiyayay madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa lagu sheegay in ururka TPLF uu sanado badan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah ku hayay Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta deegaanka, Cali Baddal Muxumed, ayaa sheegay in mar kasta ay jecel yihiin in aan “la uus duugin” taaiikhda ay soo mareen shacabkooda.

Waxaan muujineynaa in TPLF ay yihiin urur dhibaato u geystay shacabka Soomaalida oo dhankeenna ay ka yihiin urur dembiilayaal ah,” ayuu yiri wasiirka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post