261 Views

Musharaxiin isku Diiwaangelisay Doorashada Kursigii Mahad salaad oo laga qabtay warqadihii.

Musharaxiin isku Diiwaangelisay Doorashada Kursigii Mahad salaad oo laga qabtay warqadihii.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 31 2023  

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu qabanayaa doorashada kursiga HOP147 uu horey ugu fadhiyay taliyaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigan oo loo xiray musharax gaar ah waxaa ilaa hadda isku diiwaangeliyay labo musharax oo kala ah Aamina Tahliil Warsame iyo sidoo kale musharax Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim.

Sida aan xogta ku helnay kursigan oo doorashadiisa tahay mid xiran waa loo qorsheeyay oo madaxtooyada Soomaaliya iyo taliyaha NISA Mahad Salaad u wataan musharaxa Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim oo la hubo in uu kusoo baxayo.

Siyaasiyiin dhoor ah oo damac ka galay kursigan ayaa isaga tanaasulay doorashada ,kaddib markii lagu wargaliyay in doorashada tahay mid xiran oo loogu tala galay in uu kusoo baxo musharaxa ay wataan kooxda talada dalka heysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post