1680 Views

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray saraakiil uu tababaray Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray saraakiil uu tababaray Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 24, 2019 — Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tababar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeen ka mid noqonaya Milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha iyo saraakiil xigeennada tababarka loo soo xiray ayaa waxaa ay tababarka ku qaateen xerada TurkSOm ee ku taalla Magaalada Muqdisho, halkaas oo Dowladda Turkiga ay ku tababarto Ciidanka Soomaaliya.

Waxaa kale oo munaasibadda ka dhacday TurkSom ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.

Waxa akale oo ka Saraakiisha Turkiga ee tababarka bixiyay, danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay Muqdisho haddana ah ergeyga Turkiga u qaabilsan wadahadallada dowladda dhexe iyo Maamulka Somaliland.

Dhinaca kale Isla maanta ayaa waxaa lagu wadaa in saraakiil kale oo ka mid noqonaya Ciidanka xoogga dalka Tababar loogu qaado dalka Turkiga si halkaas ay ugu soo tababartaan.

Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka gacansiineysa dhismaha Ciidanka xoogga dalka waxaana Turkiga tababar ku qaadanaya Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya sida kuwa gaarka ah, kuwa cirka iyo qeybaha kale ee Ciidanka xoogga dalka.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment