1005 Views

Sawirro:-Guddoomiye Muudey Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Sawirro:-Guddoomiye Muudey Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa dib ugu soo laabtay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Turkiga.

Guddoomiye Muudey ayaa markii soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Intaasi ka dib ayuu Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo si kooban warbaahinta ula hadlay waxaana uu ka mahadceliyay soo dhaweeynta ballaaran ee Maanta loo soo dhaweeyay,isla markaana waxa uu ka warbixiyay socdaalkii uu ku joogay dalka Turkiga.

 

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Turkiga aaday,kadib markii uu soo xiray Fadhigii ugu dambeeyay Golaha Shacabka,kaasi oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Fasax ay ugu galeen 10-kii dambo ee Bishii Ramadaan iyo maalmihii la soo dhaafay ee Ciidul Fitriga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment