759 Views

Golaha Murashixiinta oo ugu baaqay Taliyaasha Ciidamada dowladda in aysan u hoggaansamin Amarrada Madaxda dowladda ee mudda kordhinta samaystay.

Golaha Murashixiinta oo  ugu baaqay Taliyaasha Ciidamada dowladda in aysan u hoggaansamin Amarrada Madaxda dowladda ee mudda kordhinta samaystay.
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Golaha Midowga Murashixiinta, ayaa ugu baaqay Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, in aysan u hoggaansamin Amarrada Madaxda dowladda ee mudda kordhinta samaystay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha, ayaa loogu baaqay Taliyaasha Ciidamada Federaalka in ay raacaan wadadii uu maray Taliyihii Qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. saadaq Joon, kaas oo ka horyimid in dowladda mudda kordhin loo sameeyo.

War-saxaafadeedka Golaha, waxa sidoo kale lagu sheegay in Dastuurkii dalka ay jebiyeen koox yar, oo ay hormuud u yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in meel looga soo wada jeesto Keligii-talisnimada dalka lagu burburinayo.

Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay tallaabo ka qaaddo shakhsiyaadka halista ku ah degganaanshaha iyo xasiloonida dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post