1308 Views

SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulamo ka wada Magalada Garoowe

SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulamo ka wada Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 09, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeyb galay afur sharafeed uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe.

 

Afurka Sharafeedka ay maamulka gobalku u sameeyeen ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin Kale.

 

 

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre  ayaa xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee magaalada Garowe  si uu u xog waraysto shacabka magaalada una ogaado, isaga oo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa  bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment