807 Views

Ukraine oo baaraysa falal kufsi ah “oo ay gaysteen” ciidamada Ruushka

Ukraine oo baaraysa falal kufsi ah “oo ay gaysteen” ciidamada Ruushka
____________________________________________________________________________


Talaado: April 12, 2022

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay baarayso kiisas dumar la tuhunsan yahay inay kufsadeen ciidamada Ruushka.

Waxaa socota diiwaangelinta kiisaskaas oo kamid ah tacaddiyo noocyo badan oo lagula kacay dadka rayidka inta uu socday dagaalka Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa beenisay eedeymahaas loo jeediyay ciidamadeeda.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta gobolka Luhansk ee Bariga Ukraine ayaa ku warramaya in taangiyada Ruushka ay aaggaas ka billaabeen duullaan cusub. Saraakiil Reer Galbeed ah ayaa sheegay inay filayaan in Ruushka uu saddex labaad kordhin doono ciidamada ka jooga gobollada bari ee la isku yiraado Donbas.

Maraykanka iyo Britain ayaa shaaciyay inay xaqiijinayaan warar sheegaya in ciidamada Ruushka ay hub kiimiko ah u isticmaaleen dagaalka magaalada Mariupol.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in weli aysan xaqiijin warkaas, balse ay si taxadar leh u qiimeynayaan xaaladda magaaladaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post