903 Views

Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Saaka iyo Rasaas La Maqlayo Wali

Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Saaka iyo Rasaas La Maqlayo Wali
____________________________________________________________________________

Isniin: October 25, 2021

Waxaa saaka rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dad ku sugan Guriceel ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala joogaan Goobihii ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada Ciidan.

Dhinacyada ayaa saacadihii la soo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan, waxaana Maalintii Saddexaad xaalad cakirnaan ah ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ayaa sheegayay in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu shalay dalbaday  xabad joonin, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Sbire Falagle.

Majirto ilaa iyo hadda waan waan laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel oo hakin karta dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamay ay kala sheeganayaan guulo kala duwan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post