534 Views

Iiraan oo shuruurd hor leh ku xirtay wada hadalladii nukliyeerka

Iiraan oo shuruurd hor leh ku xirtay wada hadalladii nukliyeerka
____________________________________________________________________________


Axad: October 3, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdollahian ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay bishii la soo dhaafya isku dayeen inay kala hadlaan soo celinta wada hadallada nukliyeerka, balse uu ku xiray shuruud adag, oo hore la isku mari waayay.

Wasiirka ayaa sheegay in Mareykanku uu ku qasban yahay in Iiraan uu siiyo lacag dhan $10 bilyan oo doollar oo uu hore uga xayiray dalkaas.

Iiraan ayaa hore u diidday wada hadallo toos ah oo lala galo Mareykanka, sidoo kalena wada hadallo aan toos ahayn oo lagu soo celin lahaa heshiiska nukliyeerka ee 2015 ayaa dhicisoobay bishii June ee sanadkan.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan, bishii la soo dhaafay QM iyo Mareykanka ayaa isku dayay inay la xiriiraan wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdollahian, iyagoo u maraya dhex dhexaadiyeyaasha.

Balaayiin doollar oo Iiraan ka soo galay dhoofinta shidaalka ayaa ku xayiran bankiyo dibadda ah kaddib cunaqabateyntii uu Mareykanku saaray dalkaas.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa cirka isku sii shareertay wixii ka dambeeyey 2018-kii, kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka, cunaqabateyntana uu dib u soo celiyey.

Ibraahim Ra’isi oo dhowaan loo dhaariyay madaxtinnimada Iiraan ayaa hore u sheegay inuu taageerayo ‘qorshe kasta oo diblumaasiyadeed’ oo soo afjaraya cunaqabateynta

Heshiiskii 2015-kii ay wada galeen Iiraan iyo lixda dal ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa u muuqday mid joojinaya howlaha nukliyeerka si meesha looga saaro cunaqabateynta dhaqaale ee dhaqaalaha dalka Iiraan saameeyey. Balse Iiraan ayaa dib u billowday howaha Nukliyeerka ee laga mamnuucay kaddiba markii uu Trump heshiiska ka baxay.

Muxuu yahay Heshiiska Nukliyeerka ee 2015?

Heshiiskan 2015-kii ayaa loo arkayay inuu yahay hormar dhanka siyaasadda ah oo uu sameeyay maamulkii madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Waxaa looga gol lahaa in lagu xakameeyo horumarinta nukliyeerka Iran oo xawli ku socday, waxaana Iiraan lagu qanciyay si ay u joojiso tallaabooyinkaasi in laga qaadayo cunaqabateennada caalamiga ah ee saarnaa, hase yeeshee madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi.

Markaasi ka dib ayay xukuumadda Washington waxay Iiraan ku soo rogtay cunanqabateenno, haatanse madaxweynaha cusub ee Mareykanka ee Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu dib ugu biirayo hheshiiskaas, inkastoo ay suurogal tahay in laga daahay.

Dowladda Iiraan ayaa si joogta ah u jabineysay heshiisyadaasi iyado casriyeeyneysay bacriminta maaddada yuraaniyamta ee nukliyeerkeeda.

Wadaxaajoodyo caqabado badan ay ku hareereysnaayeen ayaa ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna, una dhaxeeyey Iiraan iyo dalalka kale ee weli heshiiska qaybta ka ah oo isku dayayay sidi heshiiskaasi dib looga soo nooleyn lahaa si Iiraan cunaqabateynka looga qaado.

Madaxweyne Ra’isi oo lagu tilmaamo inuu yahay wadaad mayal adag ayaa ka guuleystay Xasan Ruuxaani oo ay Reer Galbeedka u arkayeen inuu ahaa qunyar-socod.

Dowladda Iiraan ayaa mar walba ku adkeysata in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed, laakiin tallaabooyinkii ay ku xoojisay bacriminta yuraaniyumta – oo ah arrin kasoo horjeedda heshiiskii 2015-kii – ayaa abuurtay cabsi dheeraad ah iyo qeylo dhaan

.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post