2265 Views

Sawiro:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Socda Muqdisho

Sawiro:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 10, 2018—Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho,iyaga oo ka soo horjeeda mooshinka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Dadweynahaan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir una badan dhalinyaro ayaa wax ay ku dhawaaqayaan erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, doolar qaate dooni meyno iyo  qaran dumis dooni meyno.

Qeybo ka mid ah wadada Soddonka tan Maka Almukarama ayaa dadweynaha lagu arkayaa,kuwaas oo gacmaha kor u taagaya kana soo horjeedaan mooshinka.

Shalay Gelinkii dambe ayay tiro Xildhibaano ah mooshinka ka gudbiyeen Madaxweyne Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana mooshinkaas uu kala qeybiyay Guddoonka Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment