1128 Views

Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Safiirka Ruushka?

Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & Safiirka Ruushka?
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa halkaasi uu kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. MikhailGolovanov.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Arrimo la xiriira deynta Cafinta Soomaaliya oo Dowladda Federaalka ay dadaal wyen ugu jirto sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

 

 

 

“Waxaan maanta la kulmay Safiirka Dowladda Russia ee Soomaaliya H.E. MikhailGolovanov oo aan ka wada hadalnay Arimaha Deyn-Cafinta Soomaliya ayuu yiri”Wasiir Beyle

 

Dowladda Ruushka ayaa ah dalka 2aad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya,waxaana Wasiirka iyo Safiirka ay kulankooda diirada ku saareen sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Jabuuti waxaa uu uga qyeb-galay Shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika,waxana la filayaa in uu la kulmo Madax kale oo Shirkaasi ka qeyb gashay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment