1311 Views

Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays oo la kulmay Duubabka Dhaqanka Mudullood

Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays oo la kulmay Duubabka Dhaqanka Mudullood
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 17, 2019 —Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali ayaa xalay kulan la qaatay Duubabka dhaqanka Beesha Mudullood.

C/qaadir Cosoble ayaa kala hadlay xubnaha Duubabka dhaqanka arrimo ku saabsan xaalada amniga magaalada Muqdisho.

 

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Xisbiga ku leeyahay ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays uu kala hadlay Duubabka dhaqanka sidii culeyska looga qaadi lahaa bulshada Gobolka Banaadir oo waddooyinka xiran loogu furi lahaa.

 

Waxaa kaloo uu kala hadlay arrinta Gobolka Banaadir iyo sidii bulshada degan gobolka ay maamul u soo dooran lahaayeen.

 

Muddooyinkii u dambeeyay Siyaasiga C/qaadir Cosoble oo horay u soo noqday Musharax Madaxweyne waxaa uu waday dhaq dhaqaaqyo la xiriira maqaamka Gobolka Banaadir, iyadoo ay horay u jireen siyaasiyiin dhowr ah oo arrintan muddo waday oo aan u suura gelin inay ka guul gaaraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment