915 Views

Warbaahinta Ruushka oo soo dhawaysay Musharax Madaxweyne Joe Biden

Warbaahinta Ruushka oo soo dhawaysay  Musharax Madaxweyne  Joe Biden
____________________________________________________________________________

Doorashadan Mareykanka, filashada Ruushka way hooseysaa. Aad ayay u hooseysaa. “Ruushka inuu kala doorto Trump iyo Biden waxay uga dhigan tahay sida in uu kala doorto labo nooc oo saliidda castor-ka ah,” sidaas waxaa maanta qoray wargeyska Moskovsky Komsomolets.

Shaki kuma jiro laakiin, in xukuumadda Ruushka ay daneyneyso Trump. Sababtoo ah, Donald Trump weligiis ma cambaareyn Vladimir Putin wuxuuna ku baaqaa xiriir dhow oo lala yeesho Moscow; Joe Biden-se dhowr jeer ayuu canaantay hoggaamiyaha Aqalka Kremlin. Waxaa jira walaac ah in madaxtinnimada Biden ay Ruushka uga dhigan tahay cunaqabateyno dheeraad ah.

Moscow ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay labada dhinac. Balse warbaahinta dowladda Ruushka ayaa aad u ammaaneysay Donald Trump marka loo eego Joe Biden.

Taasi ma wax baa iska beddelay? Wargeyska dowladda Ruushka ayaa maanta amaman u jeediyay musharraxa Dimuqraaddiga.

“Si ka duwan sida dagaalka ka muuqdo ee Trump, Biden wuu is dejiyay wuxuuna matalay doorka nabad-dhaliyaha qaranka.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post